Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa hakisay awoodda garsoorayaasha ay ku horjoogsanayaan amarada Trump.

0
77

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa maanta soo saartay go’aan lagu xakameynayo awooda garsoorayaasha si ay uga hortagaan amarada madaxweyne Trump ee dalka oo dhan.

Kiisku wuxuu ka yimid amarkii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in la soo afjaro xuquuqda dastuuriga ah ee dhalasho siinta carruurta muhaajiriinta aan haysan sharciyada.

Ku dhawaad qof kasta oo ku dhashay dhulka Mareykanka waxa la siiyay dhalasho toos ah

Go’aanka maxkamada sare ee kiiskan ayaa muujinaya guul la taaban karo oo u soo hoyatay maamulka Trump, kaas oo arkay qaar ka mid ah dadaalladeeda siyaasadeed oo ay fashiliyeen xannibaado dalka oo dhan ah.

Arrintaan ayaa wajahday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay muran sharci ah oo ku saabsan siyaasado iyo amarro kala duwan oo ka soo baxay Aqalka Cad, oo ay ku jiraan dadaallada lagu dhimayo kharashaadka dowladda iyo dib-u- qeexidda siyaasadaha iyo habraacyada socdaalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here