Baladweyne (Radio Beerlula)- Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa, ogolaatay in Madaxweyne Donald Trump si ku meel gaadh ah u hakiyo $65 milyan oo deeq waxbarasho ah taas oo loogu talagalay tababarka macallimiinta ee gobollada Mareykanka.
Waa guushii ugu horreysay ee uu ka gaadho dhanka Maxkamaddaha maamulka Trump tan iyo markii uu mar labaad xukunka ku soo noqday.
Garsoorayaasha sharciga ah ee go’aankan taageeray ayaa waxa ay sheegeen in dowladdu aanay heli doonin lacagta haddii la bixiyo intii lagu jiray dacwadda. Haddii gobolladu ugu dambayn guuleystaan, lacagta la hakin karo waxaa lagu heli karaa dacwad kale.
Trump wuxuu ku dooday in deeqaha la baajiyay ay taageerayeen barnaamijyada kala-duwanaanshaha iyo sinnaanta (DEI), balse maamulku ma caddayn barnaamijyada ay sida gaarka ah u diideen.
Gobollo ay ka mid yihiin California, Illinois iyo New York ayaa dacwad ku oogay, halka garsoore federaal ah uu horey ugu xukumay in la joojiyo hakinta deeqaha.
Go’aankan ayaa tilmaamaya in Maxkamadda Sare ay aqbashay dooda Trump ee ah in garsoore keliya aanu go’aan ka gaadhin siyaasadda qaran, taasoo saameyn ku yeelan karta dacwado kale oo socda.