Maxkamadda sare ee Nigeria oo go’aan ka gaartay doorashada madaxweyn Bola Tinubu.

0
114

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamadda sare ee dalka Nigeria ayaa xaqiijisay guushii uu ka gaaray doorashada Nigeria madaxweyne Bola Tinubu bishii February.

Mucaaradka ugu weyn ee Bola tinubu Atiku Abubakar iyo Peter Obi, oo ku soo baxay kaalinta labaad iyo saddexaad ee codbixinta, ayaa doonayey inay meesha ka saaraan natiijada, iyagoo ku andacoonaya khaladaadaad dhacay.

Waxay racfaan ka qaateen xukun maxkamad hoose bishii Sebtembar taasoo sidoo kale taageertay guusha Mr Tinubu.

Xukunka ayaa waxaa riday todobada garsoore ee maxkamadda sare ah.