Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga cusub ee Manchester United, Bryan Mbeumo, ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu raaco raadkii halyeygii caruurnimadiisa – Cristiano Ronaldo – kadib markii uu dhammeystiray heshiis £71 milyan ah oo uu kaga yimid Brentford.
Weeraryahanka 24-jirka ah ee xulka Cameroon, ayaa durba kusoo biiray safarka United ee Mareykanka, isagoo sheegay in funaanaddii ugu horreysay ee uu xirto ay ahayd No.7 oo uu Ronaldo xiran jiray intii uu joogay Old Trafford, halkaas oo uu u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay United.
“Markii aan yaraa, Ronaldo iyo Messi waxay ahaayeen labada xiddig ee ugu fiicnaa. waxaan rabay inaan noqdo ciyaaryahan caalami ah oo ka ciyaara kooxaha waaweyn – laakiin marka aad dhab u sameyneyso, waa si ka duwan sidii aad ku riyoon jirtay.”
Mbeumo oo dhaliyay 20 gool xilli ciyaareedkii hore ee Premier League, ayaa qaab ciyaareedkiisa weerarka ballaaran ku saleeyay qaabkii Ronaldo, inkasta oo uu sidoo kale ka ciyaari karo khadka dhexe.


