Meelaha ay ka burburtay wadada dhaxmarta bartamaha Baladweyne oo la caro buuxiyay

0
288

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro is xilqantay ayaa meelo ka mid ah wadada dhaxmarta  bartamaha magaalada Baladweyne ku sameeyay caro buuxin Maadaam xiligan wadada meelaha qaar uu burbur ku yimid.

Meelaha inta badan dhalinyaradan carada ku shubeen oo burbur xoogan uu ka muuqday islamarkana godad ahaa ayaa waxa ka mid ah inta u dhaxeysa Cilmi Lows iyo Horseed ee magaalada Baladweyne

Guddoomiyaha ururka midnimada gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi iyo qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Baladweyne oo isku xilqaamay caro buuxinta meelaha burburay ayaa sheegay in lacagaha howsha ay ku qabteen ay iska ururiyeen.

Mid ka mid ah gaadiidleyda isticmaala wadada dhaxmarta magaaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay caro buuxintan ay dhalinyaradan ku sameeyeen meelaha burburka u ku yimid wadada laamiga.

 Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here