Mesut Ozil oo ciyaaraha ka fariistay

0
117

Baladweyne (Radio Beerlula)- Laacibkii hore ee khadka dhexe uga dheeli jiray kooxaha Arsenal, Real Madrid iyo xulka qaranka Jarmalka Mesut Ozil ayaa ka fariistay ciyaaraha isagoo 34 jir ah.

Ozil wuxuu horey ugu guuleystay sagaal koob intii uu dheelayay kooxaha, waxaana kamid ah koobka FA Cup iyo horyaalka Spain ee Laliga sanadkii 2012-kii.

Wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii xulka qaranka Jarmalka ee ku guuleystay Koobka Adduunka sanadkii 2014-kii kaasoo lagu qabtay Brazil.

“Wuxuu ahaa safar cajiib ah oo aan kusoo maray xiliyo aan la hilmaami Karin” ayuu yiri Ozil oo bartiisa twitter-ka ku shaaciyay in uu ka fariistay ciyaaraha.