Meydad laga soo saaray webiga Nile ee Suudaan

0
348

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegayaan in meydad gaarayo 40 laga soo saaray webiga Nile ee mara bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum kaddib markii howlgal rabshado horseeday lagu qaaday dad dibadbaxyo dhigayay, sida ay sheegeen u ololeeyaasha mucaaradka.

Dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa waxay sheegeen in meydadka ay kamid yihiin 100 qof oo la rumeysan yahay inay dileen laamaha ammaanka Suudaan tan iyo Isniintii oo ay weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dibadbaxyaasha.

Wararka waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in kooxaha sida militariga u tababaran ay weerarayaan shacabka dalkaas.

Golaha saree e militariga Suudaan waxay sheegeen inay baarayaan dhacdooyinka shacabka badan lagu laayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here