Meydad laga soo saaray xabaal-wadareedyo ku yaala dalka Suuriya

0
52

Baledweyne  ( Radio Beerlula )-Shacabka ku nool dalka Suuriya ayaa soo bandhigay xabaal-wadareedyo ku yaala qeybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Goob in ka yar 10 kiilomitir (Lix meyl) u jirta magaalada mashquulka badan ee Dimishiq ee duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Adra, waxaa ku yaala dhul qalalan oo ballaaran, kaas oo u uku hareereysan darbi shamiito ka sameysan.

Waxaa halkaas gaaray koox badbaadiyeyaal ah oo ka socda hay’ado ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimo, kuwaas oo la arkayo iyagoo baaraya xabaal wadareeyo la sheegay inay halkaas ku yaalaan.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqallo muujinaya, xabaal-wadareedyo lagu aasayay dadka la jirdilo ilaa ay ka dhintaan, ama kuwa la daldalo, kuwaas oo ku jiray xabsiga aadka u xun ee Suuriya, xiligii uu xukunka hayay Bashaar al-Assad.

Qaar kamid ah maxaabiista, waxaa lagala bixi jiray halka lagu hayo marka uu gabbalka dhaco, isla habeenkaas ama maalinta xigta si loo dilo. Si toos ah ayaa dadka loo dili jiray iyadoo lagu daldali jiray qolal loogu talogalay, dilka waxaa la socday jirdil.

Kooxaha tegay Adra, waxay halkaas ku arkeen godad ay ku jiraan meydadka dad lagu riday baco cadcad oo caag ka sameysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here