Mid ka mid ah dhaqaatiirta Baladweyne oo bulshada ku booriyay inay ka digtoonadan cudurka busbuska.

0
173

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dr Maxamed Afrax Cismaan oo ku taqasusay cudurada ku dhaca maqaarka kana mid ah dhaqaatiirta ka howlgala Baladweyne ayaa bulshada magaalada ugu baaqay ineey ka digtoonaadaan cudurka busbuska oo kamid ah cudurada faafa.

Cudurkan ayaa looga hortagaa ilaalinta nadaafadda iyo in si gaar ah loo xanaaneeyo qofka qaba si bulshada kale aanu ugu gudbin xanuunkan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraaahim.