Baledweyne ( Radio Beerlula )-Drs Faadumo Axmad Cabdi oo kamid ah bahda caafimaadka ee Baladweyne oo u warantay Radio Beerlula ayaa haweeenka uurka leh ugu baaqday ineey ka digtoonaadaan isticmaalka dawooyin uusan u qorin dhaqtar sida kaaniiniyada marlaariyada,Gaaska iyo Tekmoolka oo sababi kara ineey ilmaha hooyada ka dilmaan.
Hooyooyinka uurka leh ayaa xanunada u badan la kulma xiliga ay ku jiraan bilooyinka hore iyadoo waqtigaas loo bahanyahay in la muujiyo taxadar badan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.