Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sheakh Cumar Saalax Madoobe oo kamid ah Culimada Magaalada Baladweyne ayaa bulshada iyo Hey’addaha samafalka uga baaqay in Hilibka Udxiyada lagu caawiyo dadka danta yar inta lagu gudo jiro maalmaha Ciida.
Hilibka Udixiyada ayaa la qalaa Maalinta ciida Carafo iyo Saddexda maalmood ee ka dambeeya Ciida iyadoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay soo iibsadan Xoolaha Udxiyada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


