Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sheek Cumar Saalax Madoobe oo kamid ah culimada magaalada Baladweyne islamarkaana u waramay Radio Beerlula ayaa bulshada magaalada ugu baaqay ineey gargaar iyo caawinaad u fidiyaan dadka danta yar kuwaasi oo xilligaan wajahaya xaalad nolo xumo.
Qoysaskaan ayaa ku nool kaamamka ku yaalo Baladweyne ayaa u badan Haween , Odayaal kuwaas oo aan awoodin in ay iibsadaan waxyaabaha aas aasiga u ah bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey