Baladweyne ( Radio Beerlula )-Yaasiin Xasan Aadan oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Baladweyne ayaa codsaday in lagu garab istaago sidii uu heli lahaa guri aay kuwada noolaadaan isago iyo qoyskiisa maadama uusan awoodin helitaanka lacagtaaas isla markaana ay hadda daganyihiin kaam barakac oo ku yaalla magaalada.
Qoyskiisa ayuu hadda ka maareeyaa shaqada caseeynta kabaha oo aanay lacago badan kasoo galin waxaana uu caqaad kala kulmaa dadka shaqadan uu u qabto
waxa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


