Mid kamid ah dhallinyarada Baladweyne oo u istaagay caawinta dadka danta yar.

0
135

Baladweyne (Radio Beerlula)- Shaafici Cabdi kariin Caddoow oo kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada Baladweyne ayaa baraha bulshada gaar ahaan Facebook u isticmaala caawinta dadka danyarta ah isagoo soo bandhiga qoraallo iyo muuqaalo muujinaya duruufta dadka barakacayaasha ah.

Dad muxsiniin ah oo ku nool dalka iyo dibadiisa ayaa inta badan kasoo jawaaba codsiga dadka danyarta ah ee lagu soo bandhigo baraha bulshada iyagoo lacago usoo dira Shaacfici C/kariin Caddoow oo dadka danyarta ah sii gaarsiiya deeqda loo soo wakiishay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.