Baladweyne (Radio Beerlula)-Dr Cabdi Nuur Maxamad Cismaan oo kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala magaalada Baladweyne isla markaana ku taqasusay cudurada ku dhaca maqaarka ayaa bulshada magaalada ugu baaqay ineey ka digtoonaadaan Kansarka ku dhaca maqaarka oo ay adagtahay in la daweeyo.
Xanuunkan ayaa inta badan waxaa sababa dawooyinka lagu badalo midabka ee ay isticmaalaan dumarka kuwaasi oo aanan lagala tashan dhaqaatiirta.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


