Man United Oo Kulan Sir Ah La Yeelatay Tababarihii Ay Chelsea Ceyrisay Si Uu U Bedelo Ten Hag

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Baladweyne (Radio Beerlula)-Ninka noqonaya agaasimaha ciyaaraha ee Manchester United Dan Ashworth ayaa la kulmay Graham Potter iyadoo cadaadiska uu ku sii kordhayo tababare Erik ten Hag, sida ay qortay The Sun.

Tababarihii hore ee Chelsea Potter ayaa ka mid ah tababarayaasha uu sida weyn u doonayo bilyaneerkii dhawaan saamiga ka iibsaday kooxda ee Sir Jim Ratcliffe, kaasoo loo badinayo inuu ceyriyo Ten Hag haddii Man United ay u soo bixi weyso Champions League.

Ashworth iyo Potter waxay si dhow uga wada shaqeeyeen Brighton waxaana la fahamsan yahay in labada nin kulmeen todobaadkii hore.

The Sun  ayaa shaaca ka qaaday bishii Diseembar in Potter uu ku jiro tababarayaasha u sharaxan inay bedelaamn Ten Hag kaasoo cadaadis ku hoos jira.