Baladweyne ( Radio Beerlula )-Faadumo Aadan oo ka mid ah haweenka ku nool magaalada baladweyne ayaa la timid hal abuur ganacsi kasoo ah iibinta cuntooyinka karsan iyadoo ku gado qaab online ah waxa ayna ku diyaarisaa gurigeeda
Cuntooyinka ay kariso waxaa ka mid ah bariiska baastada iyo calooleeyda waxaana ka iibsado bulashada ku xiran baraheeda bulashada sida tiktok iyo Facebook.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


