Baladweyne a( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agasimaha maamulka maaliyadda ayaa guddoomiyaha Degmada Kismaayo kala wareegay dhul wayn oo ay Wasaaraddu bulshada ugu adeegi doonto.
Dhulkan ay ku shaqeyn doonto ayaa ah dhul cabirkiisu yahay 25 hektar oo loogu talagalay in ay wasaaradu ay ka dhigto dhul cagaaran oo ay bulshada deegaanka ka faideysan doonaan.
waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.


