Mid kamid culimada Baladweyne oo ku baaqay in fidrada lagu caawiyo dadka danta yar.

0
79

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sheek Xamsa Yuusuf oo kamid culimada magaalada Baladweyne isla markaana u waramay Radio Beerlula ayaa bulshada magaalada ugu baaqay ineey sakaatul fidriga ku caawiyaan dadka danta yar  kuwaasi oo xilaagaan wajahaya xaalad nolol xumo.

Sakaatul fidriga ayaa ku waajibta qofkasta oo muslim ah iyadoo loogu tala galay in la bixyo ka hor inta aanan la tukan salaadda ciida.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim