Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah oo lagu eedeeyey musuqmaasuq baahsan

0
16

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddiga sare ee maamula ururka Midawga Yurub ayaa soo jeediyey in la hakiyo lacag gaadhaysa 7.5 billion oo Yuuro oo la siin jiray dalka Hungary oo xubin ka ah ururka Midawga Yurub, iyada oo walaac xooggan laga qabo musuqmaasuqa dalkaas ka jira iyo weliba dib u dhac ku yimi nidaamkiisa dimoqraadiyadda.

Guddoomiyaha miisaaniyadda ee ururka Midawga Yurub Johannes Hahn ayaa sheegay in dalka Hungary uu haysto illaa bisha November 19-keeda, si uu wax uga qabto waalaca uu qabo ururka Midawga Yurub.

“Waxay ku saabsan tahay jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu yidhi Johannes Hahn oo ku sugan Brussels.

Tallaabo kasta oo lagu joojinayo lacagaha la siiyo dalka Hungary, waxay u baahan tahay inay isku raacaan dhammaan 27-ka waddan ee uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub.