Midowga Afrika oo Xubin Joogta ah Ka Noqday Ururka G20

0
97

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ka hadlayay shirka G20 ee ka furmay New Delhi ayaa ku dhawaaqay in Midowga Afrika uu xubin joogta ah ka noqday ururka G20.

Mudane Modi ayaa Ghazali Othmani oo matalayay Midowga Afrika ku soo dhaweeyay miiska ay fadhiyaan madaxda G20.

Othmani ayaa isna sheegay in xubnaha G20 ay ay ansixiyeen xubinnimada Midowga Afrika ee joogtada ah ee ururka G20.

Qoraal ka soo baxay G20 ayaa lagu sheegay in xubinnimada Midowga Afrika uu qeyb weyn ka noqon doono xallinta caqabado waaweyn oo caalami ah oo dunida ka taagan.