Midowga Yurub oo ansixiyay xeer xakameynaya dadka tahriibayasha ah.

0
80

Baladweyne ( Radio Beerlula)- Komishanka Yurub, oo ah hay’adda fulinta ee Midowga Yurub (EU), ayaa ansixiyay heshiiska cusub ee magangalyada iyo socdaalka, kaas oo ay ku jiraan tallaabooyin adag oo lagaga hortagayo socdaalka aan caadiga ahayn.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah ka hortagga tahriibka sharci darrada ah iyada oo la xoojinayo iskaashiga lala leeyahay dalalka aan Midowga Yurub ku jirin ee ku-meel-gaarka ah, oo uu ku jiro Turkiga.

Sida laga soo xigtay hay’adaha xuquuqul insaanka, heshiiskan cusub wuxuu horseedi doonaa in tiro badan oo qaxooti ah dib loogu celiyo “waddammadii ay ka yimaaddeen” sida Turkiga iyo Tunisia.

Waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa la siin doonaa labo sano si ay sharcigan u waafajiyaan shuruucdooda gudaha ama xeerarkooda socdaalk.