Baledweyne ( Radio Beerlula )- Midowga Yurub ayaa bilaabay nidaam digital ah kaas oo lagula soconayo dadka aan u dhalan EU ee soo galaya kana baxaya aaga loo yaqaan Schengen kaas oo ay ku jiraan dalal gaaraya 29. Wadamadaas ma lahan xuduudo la ilaaliyo oo u dhexeeya.
Nidaamkan digitaalka ah ee bixista iyo galista ee loo yaqaan (EAS) waxaa loo hirgaliyay si tartiib-tartiib ah kaddib markii muddo uu dib u dhacayay.
Habkan cusub marka aad soo galeyso aagga Schengen, waxaa lagaa doonayaa in iskaan laga qaado baasaboorkaaga iyo farahaaga, sidoo kale waxaa laga qaadayaa sawir.
Waxaa sii kordhaya cadaadiska siyaasadeed ee lagu xakameynayo muhaajiriinta kaas oo la saarayo dalalka ku mideysan Midowga Yurub. Ujeedka laga leeyahay nidaamka cusub waa in lagu soo qabtaa dadka jooga in ka badan mudadii loo ogolaa iyo in laga hortago muhaajiriinta sharcidarada ah.


