Mike Johnson oo loo doortay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa Arbacadii u doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isla markaana aan laheyn khibrad ku filan ee hoggaamineed inuu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah.

Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadi ah ka keeneen.

Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada uu helay 209 cod.