Mikel Arteta Oo Caddeeyay Sababtii Ka Dambeysay Barbarrihii Nottingham Forest

0
153

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in kooxdiisu ay la’eyd “dedaal” ama firfircooni lagu burburiyo Nottingham Forest.

Gunners ayaa barbaro gool la’aan ah ku galay City Ground habeenkii Arbacada – natiijo dhaawac ku ah rajadooda hanashada horyaalka  Premier League.

Markii ciyaarta dhamaatay, Arteta ayaa sheegay in qaab ciyaareedkoodu uu ka fiicnaa guuldarradii 1-0 ee West Ham kaga soo gaartay garoonkooda todobaadkii hore.

Wuxuu yiri: “Waxaan gacanta ku haynay ciyaarta. Waxaan isku daynay siyaabo kala duwan.

“Waxaan sameynay dadaal badan balse waan la’eyn firfircoonidii iyo baasaskii ugu dambeeyay ee aan ku jebin lahayn koox si wanaagsan isku abaabushay. Waa inaan abuurnaa fursado badan oo aan ku heli karno natiijooyin bartilmaameed ah.”

“Waxay ka duwaneed heerkii guuldarradii West Ham. Waxaan u difaacannay si adag, tamar iyo ujeedo leh, rabitaankeennu wuxuu ahaa inaan wax sameyno.”

“Ma ahayn inaan rabitaan la’aan ahayn. Ilaa dhamaadka ayaan isku daynay, balse ma aanan guuleysan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here