Mikel Arteta Oo Ka Dayriyey Dhaawacii Xalay Soo Gaadhay Bukayo Saka

0
93

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay dhaawac xalay soo gaadhay xiddiga reer England ee Bukayo Saka oo garoonka ka baxay qaybta hore ee ciyaartii guul-darrada ee Lens ay ku garaacday 2-1 ee tartanka Champions League.

Bukayo Saka ayay u badan tahay in uu seegi doono ciyaarta adag ee Manchester City ee Axadda iyo kulamada caalamiga ah ee xigi doona.

22 jirkan oo awoodi waayey in uu dhamaysto saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa, ayaa waxa uu dhulka fadhiistay daqiiqaddii 34aad oo uu is-dhiibay markii uu dhaawacu gaadhay, waxaana lagu soo beddelay Fabio Vieira.

Bukayo Saka kuma aanu leexanin kursiga kaydka ee ay ciyaartoyda kooxdiisu fadhiyeen, balse waxa uu si toos ah u galay gudaha garoonka iyo qolka labbiska oo la rumaysan yahay in dhakhaatiirtu ay xaaladdiisa kula tacaalayeen, balse qaybtii dambe ayuu soo fadhiistay kursiga kaydka.

Mikel Arteta oo xalay wax laga weydiiyey dhaawaca Bukayo Saka ayaa yidhi: “Waxa uu dhaawacu gaadhay isaga oo samaynaya ficil, kubadda ayuu cidhib ku dhiibayay, markaas ayuu xanuunka dareemay.

“Wax kale ma ahayn, wayna iska caddahay in aanu deggenayn oo uu xanuun dareemayay. Xaaladdiisa waanu qiimayn doonaa laakiin uma muuqato in ay fiican tahay.”

Arsenal oo daqiiqaddii 14aad uu hoggaanka u dhiibay Gabriel Jesus oo gool qurux badan u dhaliyey ayaa waxa ka daba yimid Adrien Thomasson oo goolka barbarraha u dhaliyey Lens daqiiqaddii 25aad, ka hor intii aanu Elye Wahi qaybtii labaad keenin goolka guusha ee kooxda reer France.