Militariga Mali oo qabanaya doorasho sida ugu dhakhsaha badan.

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasiir ka tirsan xukuumadda militariga ee Mali ayaa sheegay in dowladdiisa ay dooneyso inay qabato doorashooyin ku meel gaar ah “sida ugu dhaqsaha badan”, sida ay sheegtay shabakadda wararka ee L’Essor.

Col Abdoulaye Maiga ayaa sheegay in mid kamid ah caqabada haysta hanaanka doorashada ay tahay inay dib u soo noqotay colaada ay kula jiraan kooxaha gooni u goosadka ee waqooyiga ka dagaalama, balse waxa uu shacabka u xaqiijiyay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo xaqiijin lahaa xasiloonida.

Hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay ee dalkaas ayaa cadaadis lagu saaray inay ku dhawaaqaan taariikhda doorashooyinka ku meel gaarka ah ee cusub ka dib “dib udhac kooban oo ku yimid” doorashooyinkii ugu horeeyay ee loo qorsheeyay Febraayo 2024.