Militariga Suudaan oo xilka ka tuuray Al bashiir iyo go’aano ay soo saareen.

0
334

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka gaashaan dhigga ee Sudan ahna madaxa taliska milatariga Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo  shir jaraa’id  ku qabtay magaalada khartum ayaa sheegay in  xilka laga qaaday madaxweynihii dalka Suudaan Cumar Xassan  Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay oo lagu hayo meel amaan ah.

Cawad ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dalka la galinayay 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Wuxuu sheegay in xabsiga laga sii deyn doono dhammaan dadka u xiran arrimaha siyaasadda.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here