Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddigaha warbaahinta, jilaayaal, dad Boqortooyo kasoo jeeda iyo qaar kale ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga uga qeyb galay arooska kharashka badan ku baxay ee aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos iyo haweeneyda telefishinka ka shaqeysa ee Lauren Sanchez.
Qiyaastii 200 oo qof ayaa lagu casuumay xafladda oo ka dhacday jasiiradda yar ee San Giorgio.
Munaasabadda ayaa socotay saddex maalmood.
Munaasabaddan ayaa cambaareyn kala kulantay dadka magaalada oo kasoo horjeeda isbeddelka cimilada iyo dalxiiska xad-dhaafka ah.


