Milkiilayaasha Man United Oo Diyaar U Ah In Ay Iibiyaan Kooxda Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

0
188

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wararka Man United: Milkiilayaasha Kooxda Man United ee Glazer family ayaa ugu dambayn go’aansaday in ay iska iibiyaan kooxda Man United.

Glazer family oo muddo 17 sano ah hogaaminayay kooxda ayaa ugu dambayn go’aansaday in ay suuqa dhigaan kooxda taariikhda weyn ku leh kubada cagta.

 

 

Laakiin Milkiilayaasha Man United ee Glazer family ayaa hal shardi ku xidha cid walba oo doonaysa in ay iibsato lana wareegto kooxda Man United.

 

 

Saxafiga Sky Sport ee Kaveh Solhekol ayaa shaaca ka qaaday in ay Milkiilayaasha Man United kaliya doonayaan in ay kooxda ka iibiyaan Maal-qabeeno ka soo jeeda dalka Maraykanka.

Glazer family ayaa diyaar u ah in ay dhagaysato dalabyada lagu iibsanayo kooxda ugu taageerayaasha Badan England laakiin diyaar u ah in ay kaliya ka iibiyaan maal-qabeeno maraykan ah.