Miyuu Sergio Busquets Seegayaa Kulamada Man United Kaddib Dhaawaciisii Xalay?

0
191

Baladweyne ( Radio Beerlula -Barcelona ayaa bilawgii kulankii ay xalay la yeelatay dhigeeda Sevilla ka heshay war aan u fiicnayn iyadoo uu daqiiqadihii ugu horreeyay kaga dhaawacmay kabtan Sergio Busquets.

Barcelona ayaa kulankaas ugu dambayn guul 3-0 ah ka gaadhay kooxda macalin Jorge Sampoali iyagoo siddeed dhibcood oo nadiif ah hoggaanka La Liga kaga qabtay Real Madrid.

Sida uu kaddib dhaawacaas Busquets sheegay il-wareedka SER, Busquets ayaa maqnaan doona laba ilaa saddex toddobaad isagoo ugu yaraan seegaya kulanka lugta hore ee UEFA Europa League ee Man United.

Haddii dhaawaca Sergio gaadho saddex toddobaad ayuu xataa seegi doonaa lugta dambe ee 23-ka bishan February ka dhacaysa gegida Old Trafford.

Xavi Hernandez yaa la filayaa inuu doorka Busquets ka maqnaan doono ee No.6 ka ciyaarsiiyo Frankie De Jong oo xalayba buuxiyay ciyaartii Sevilla.