Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah, ayaa taageerayaasha kooxda uga digay in cadaadis badan saaraan ciyaartoyda cusub kahor inta aysan garoonka ku muujin tayadooda.
“Waxaan rabaa in dadka aysan ilaawin inaan Premier League kula guuleysanay ciyaartoyda aan hadda haysanno,” ayuu yiri Salah.
“Ciyaartoyda imaanaya hadda, waxay u baahan yihiin inay kasbadaan magac, sidoo kale inay muujiyaan tayadooda oo ay taageerayaasha u huraan wax kasta.
“Ma doonayo in taageerayaasha ay aad u farxaan isla markaana cadaadis saaraan kahor inta aysan waxba qaban. Waa saxiixyo aad u wanaagsan, laakiin waa inay taas ku muujiyaan garoomada oo ay u caddeeyaan kooxda.”
Liverpool ayaa xagaagan ku soo dartay safkeeda, Giorgi Mamardashvili, Jeremie Frimpong, Milos Kerkez, Florian Wirtz iyo Hugo Ekitike, kuwaas oo wadarta qiimohoodu ku dhow yahay £300 milyan.
Ciyaartoydan cusub ayaa la filayaa inay qaarkood kasoo muuqdaan Community Shield-ka Axadda, marka Reds ay Wembley kula ciyaarayaan Crystal Palace.


