Mohamed Salah oo ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee FWA

0
408

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta xidigga sanadka ee Ururka Qorayaasha Isboortiga Ingiriiska (Football Writers Association, Footballer of The Year 2022), waana markii labaad ee abaalmarintan uu ku guuleysto, iyadoo markiisii 1-aad ay ahayd 2018.

Salah oo gool dhalinta Ingiriiska xilli ciyaareedkan ku hoggaaminaya 22 gool ayaa noqonaya laacibka qura ee Carbeed ama Afrikaan ah oo laba jeer hela jaa’isadan, iyadoo dhanka kalena Cristiano Ronaldo uu FWA award ku guuleystay 2 jeer, halka Thierry Henry-na 3 jeer uu heysto.

Laacibka reer Masar ayaa ku guuleystay 48% codadkii la dhiibtay, isagoo ka guuleystay xiddiga kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe naadiga West Ham ee Declan Rice.

Mohamed Salah ayaa xiliciyaareed cajiib ah la qaadanaya kooxda Liverpool heer walba, maadaama uu yahay gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Premier League isagoo dhaliyay 22 gool, sidoo kale waa xiddiga ugu gool caawinta badan, wuxuu caawiyay 13 gool.

Salah ayaa wuxuu sidoo kale xilli ciyaareedkan u tartamayaa abaal-marinta Ballon d’Or 2022, kaasoo tartankiisa uu ugu cad-cad yahay weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.