Mohamed Salah Oo Shaaciyay Inta Koob Uu Doonayo Inuu Kula Guuleysto Liverpool Xilli Ciyaareedkan

0
173

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mohamed Salah ayaa sheegay in xilli ciyaareedkan rikoor-jabinta ah uu yahay midkiisa ugu xiisaha badnaa tan iyo markii uu ku biiray Liverpool, maadaama uu si joogto ah u sameynayo taariikho cusub toddobaad kasta.

Xiddiga reer Masar ayaa bandhig cajiib ah sameeyay kulankii ay Liverpool 2-0 kaga adkaatay Manchester City, taasoo keentay inay hoggaanka horyaalka ku qabtaan 11 dhibcood. Kulankaas, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda  Premier League gool ka dhaliya, isla markaana caawiya labadii kulan ee horyaalka ee lagu wajahay kooxda difaacaneysa horyaalka.

Salah ayaa hadda gool dhaliyay isla markaana caawiye ka noqday 11 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee tan iyo Lionel Messi (Barcelona, 2014-15) sidaas sameeya.

Goolkii uu ka dhaliyay City wuxuu ka dhigay inuu xilli ciyaareedkan gaaro 30 gool, 25 ka mid ahna ay yihiin Premier League, isaga oo sidoo kale la siman Gordon Hodgson oo ku jira booska saddexaad ee gooldhaliyaasha ugu sarreeya taariikhda Liverpool, isagoo leh 241 gool.

Markii la weydiiyay haddii uu hadda ka ciyaar wanaagsan yahay xilli ciyaareedyadiisii hore, Salah ayaa u sheegay Sky Sports:

“Ma garanayo. Waa fikrad shaqsiyadeed.

Waxaa laga yaabaa in dadku ay doorbidaan xilli ciyaareedyadeyda hore ama kan hadda, balse anigu kan hadda ayaan doorbidayaa, sababtoo ah horyaalka ayaan u dagaallameynaa, waxaan sidoo kale caawinayaa da’yarta, waana wax gaar ah.”

Sidoo kale, wuxuu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan hanashada koob kale:

“Koob kale ayaan u baahanahay. Aniga iyo laacibiinta waaweyn ee kooxda sida Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Andy Robertson iyo Alisson Becker, waxaan rabnaa inaan mar kale horyaalka qaadno.”

Salah wuxuu noqday xiddigii ugu horreeyay ee taariikhda Premier League ku lug yeesha 40+ gool laba xilli ciyaareed oo kala duwan, isagoo sidoo kale noqday xiddiga kaliya ee ka dheela shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee si toos ah ugu lug yeesha 50 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here