Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dhowaan ayay ahayd , markii haweeney xaamilo ah oo aaday isbitaal dowladeed oo ku yaala Hindiya si ay u marto tijaabada Kombiyuutarka Uur-kujirta ee ultrasound, dhakhaatiirtu ay ku arkeen Ilmaha ku jira caloosha haweenayda.
Laakiin mucjisada la arkay ayaa ah wax u eg ilmo kale oo ku sii dhex jira caloosha ilmaha ay uurka ku sido.
Haweenaydan oo kasoo jeeda degmada Buldhana ee dalka Hindiya oo u aaday isbitaalka si xaaladeeda ula socoto ayaa dhakhaatiirta inta baaritaanka ay ku wadeen ku ogaadeen inuu ku dhexjiro ilmo kale oo aad u yar.
Waaxda caafimaadka Buldhana ayaa u sheegay BBC caafimaadka jireed ee haweenayda in uu yahay caadi ayna gabi ahaan caafimaad qabto.
Dhakhtarka ayaa ku rajo weyn in dhalitaanka haweeneyda uu noqon doono mid caadi ah, kaliyana dhalmada kadib, go’aan laga qaadan doonaan sida labada ilmaha ee isku dhex beermay looga soo saari lahaa.


