Mucjisadii Jarmalka Iyo Afrika Oo Dib Usoo Noqotay

0
83

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Mucjisadii Afrika ee muddada laga tebay waddanka Germany ee uu dhaawaca kaga maqnaa ayaa dib usoo noqday oo mar kale shabaqa kula saaxiibay daqiiqado kooban, isaga oo dib usoo celiyey guulo laga tebay garoonka MHPArena.

Ciyaartoyga aynu ka hadlayno ee mucjisada ah waa weeraryahanka reer Guinea ee Serhou Guirassy maanta beddel kusoo galay ciyaartii ay kooxdiisa Stuttgart 2-1 ku garaacday Borussia Dortmund, taas oo isaga oo beddel kusoo galay qaybtii dambe uu u saxeexay goolka guusha.

Guirassy oo dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa toddobaadyadii u dambeeyey, isla markaana laga badinayay naadigiisa intii uu maqnaa, ayaa waxa uu lasoo laabtay guul iyo gool, iyadoo uu wali sii wato rikoodhka cajiibka ah ee uu ka samaynayo horyaalka Bundesliga.

Xiddiga reer Ginea ee Serhaou Guirassy oo siddeed ciyaarood oo hore oo u saftay u dhaliyey 14 gool, ayay u ahayd kulankiisii 9aad ee horyaalka Bundesliga ee uu xagaagii usoo wareegay, waxaana uu dhaliyey goolkiisii 15aad oo ahaa rikoodhe uu guuldarro ugu xambaariyey Borussia Dortmund.

Serhou Guirassy oo soo laabtay, waxa Stuttgart usoo laabatay guusha, waxaanay soo galeen kaalinta saddexaad iyaga oo shan dhibcood ka dambeeya Borussia Dortmund oo 4-2 ku karbaashtay Heidenheim.

Bayern Munich ayaa laba gool oo uu u dhaliyey Harry Kane la hormartay qaybtii hore, laakiin daqiiqadihii 67aad iyo 70aad ayay kooxda martida ahayd ee Heidenheim ay ka daba-timid, balse Raphaël Guerreiro ayaa hoggaanka usoo celiyey Munich daqiiqaddii 73aad, halka Chopo-Moting uu saxeexay goolka afraad ee Bayern Munich.

Dhinaca kale, Newcastle United ayaa guul-darro xanuun badan loo xambaariyey, waxaana 2-0 ku muquunisay Bournemouth oo garoonkeeda Vitality Stadium dhax jiid-jiidday.

Newcastle United oo Sucuudigu uu lacag badan ku maalgeliyey, ayaa waxa labada goolba ka dhaliyey Dominik Solanke oo daqiiqadihii 60aad iyo 73aad la saaxiibay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Nick Pope.

Kooxda tababare Eddie Howe oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, isla markaana ka maqnaayeen dersin ciyaartoydooda ah ayaa ay shaqayn weyday lacagtii uu Sucuudigu ku maalgeliyey, waxaana ay xambaarteen guul-darro sababtay inay kaalinta 7aad kaga jiraan horyaalka oo ay ku haystaan 18 dhibcood, waxayse hoos uga dhici karaan booskaas haddii ay guuleystaan naadiyada ka dhibcaha hooseeya ee ciyaaraya Axadda.

Horyaalka waddanka Faransiiska ayaa waxa guul weyn kasoo hoysay PSG oo 3-0 ku garaacday Stade de Reims, waxaana saddexda goolba u dhaliyey Kylian Mbappe oo saddexlay la horyday.

Guushan ayaa waxay keentay in PSG ay hoggaanka horyaalka ku qabato 27 dhibcood, iyadoo hal dhibic ka sarraysa Nice oo kaalinta labaad fadhida, halka Monaco ay leedahay 24 dhibcood.

Geesta kale, horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ayaa laga diiwaangeliyey natiijooyin u kala duwan kooxaha waaweyn oo qaarkoodna ay murugaysan yihiin kuwo kalena ay faraxsan yihiin.

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa waxa barbarro 2-2 ah ku qabatay Lecce oo ay marti u ahaayeen. Milan oo ciyaarta la hormartay laba gool oo qaybtii hore ahaa, ayaa laga daba-yimid, waxaanay nasiib ku lahaayeen in Lecce ay birta garaacday oo ay u dhowaadeen in ay gool saddexaad dhaliso dhamaadkii.

Milan ayaa waxa ay ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartoy, sababtoo ah daqiiqaddii 90+3 ayaa waxa casaan lagaga saaray Olivier Giroud oo aflagaaddeeyey garsooraha iyadoo uu ahaa laacibka goolka koowaad u saxeexay kooxdiisa.

Juventus ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka iyadoo 2-1 kaga adkaatay Cagliari, waxaana ay hal dhibic ka sarreeyaan Inter Milan oo Axadda ciyaari doonta oo haysata 28 dibcood, halka Juventus ay leedahay 29 dhibcood.