Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mudaharaadyo looga soo horjeedo raafka soo galootiga ayaa ku fiday magaalooyin hor leh, halkaas oo Askarta Trump ka billaabeen in qabqabtaan dad shisheeye ah oo lagu haysto in ay Mareykanka sharci darro ku joogeen.
Isku geyn, mudaharaadyadu waxay iminka ka socdaan ugu yaraan 10 magaalo oo kala ah: LA, New York, Atlanta, Chicago, Philadelphia, Dallas, Austin iyo San Francisco.
Magaalada New York iyo qaybo ka tirsan gobolka Texas ayaa waxaa ka billowday dibed-baxyo looga soo horjeedo beegsiga dadka soogalootiga ah.
Ciidamada ilaalada Qaranka ayaa loo daabulay gobolka Texas si loogu xoojiyo ciidamada hay’adda socdaalka ee ICE oo hawshii raafka ee ay damacsaneyd ay carqaladeeyeen bannaanbaxyadu.
Gobolkan oo ay u badan yihiin dadka muxaafidka ah ayaa u muuqda mid ay dadweynuhu doonayaan in ay cabashadooda ku muujiyaan si ka duwan gobolka California oo rabshado hareeyeen.


