Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mudahaarad rabshado wata oo looga soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ee tarxiilka muhaajiriinta ayaa maalintii 3-aadka socda magaalada Los Angeles ee gobolka California.
Mudaharaadkan lagu diidan yahay amarka Madaxweyne Trump ee lagu masaafurinayo dadka sida sharci darada ah ku jooga dalka Mareykanka kaasoo dhawaan ay bilaabeen fulinteeda ciidamada ciidamada laanta socdaalka iyo furdooyinka Mareykanka kaasoo ka socda magaalooyin ay ka mid tahay Los Angeles.
Rabshadaha ayaa la sheegaya in ay billowdeen markii ciidamada laanta socdaalka ay ku qamaameen goobo shaqo iyo guryo lagu tuhmayey in ay ku dhuumanayeen dadka aan diiwaanka dowladda ku jirin.
Dadweyne ka careysan tillaabooyinka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah oo badankoodu ka soo jeeda Maxico, ayaa durba billaabay tuuryo iyo gacan ka hadal.
Madaxweyne Trump ayaa u yeeray labo kun oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka siu u ugu maquuniyo dadka isku gudbey raafka.
Laakiin waxaa tillaabada ka xanaaqay madaxda Dowlad-goboleedka California oo uu ugu horreeyo guddoomiyah gobolkaas, Gavin Newsom iyo Duqa Los Angeles Karen Bass oo madxweynaha ku eedeeyey in xadduudkiisa ka soo tillaabay maadaama uu dalbaday ciidan aan loo baahneyn.


