Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labadiisa aqal.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin