Baladweyne ( Radio Beerlula )- Ugu yaraan 19 qof oo tahriibayaal ah oo ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, ayaa ku dhintay doontii ay la socdeen oo ku degtay dalka Tunisia, xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, una gudbaan dalka Talyaaniga.
Sidani ayaa waxaa sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda,
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Tuuniisiya, ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 5 qof, oo la socday doonida oo mareysay xeebta Mahdia, kadib markii ay ka soo ambabaxeen xeebaha Sfax.
Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa masiibada, iyadoo afartii maalmood ee la soo dhaafay, shan doomood oo muhaajiriin ah ay ku degeen magaalada Sfax, taasoo keentay in 67 qof ay ku waayaan, lagana soo saaro meydadka sagaal qof.