Muhaajiriin badan oo gaartay jasiiradda Lampedusa

0
65

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan lix kun oo muhaajiriin ah ayaa gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga labo maalmood gudahood, taasoo keentay in maamulka dalkaasi uu ku soo rogo xaalad degdeg ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in cunug shan bilood jir ah uu ku dhintay jasiiradda kadib markii ay degtay doon ka timid waqooyiga Afrika.

Rakaabkii kale, oo ay ku jirto hooyada ilmaha yar, una dhalatay dalka Guinea, ayaa la badbaadiyay.

Duqa magaalada Lampedusa (Filippo Mannino) ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa ay daalan yihiin, ayna u baahan yihiin shaqaale iyo dhaqaale dheeraad ah.