Muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

0
206

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 55 ruux oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

Dadka la soo badbaadiyay oo saarnaa doon hererkeedu dhan yahay 10 mitir ayaa waxaa ku jiray saddex haween ah iyo lix carruur ah kadib markii cilad ay ku timid matoorka doonta.

Hay’adda samafalka ee Talyaaniga ayaa sheegtay in la siiyay fasax ay kaga degi karaan Marina di Carrara ee waqooyiga Talyaaniga.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa ka kala yimid Ivory Coast, Masar, Eritrea, Nigeria, Falastiin, Suudaan, iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, saddexdii bilood ee ugu horreeyay ee 2023 ayaa ahaa rubuci ugu horreeyay ee ugu dhimashada badnaa lixdii sano ee la soo dhaafay muhaajiriinta ka gudbaya bartamaha badda Mediterranean-ka.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa diiwaangeliyay 441 muhaajiriin ah oo ku dhintay marinka halista ah ee badda ee u dhexeeya waqooyiga Afrika iyo xeebaha koonfureed ee Yurub intii u dhaxaysay Janaayo iyo Maarso.