Muhaajiriin reer Pakistan ah oo lagu sii daayey Libya.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adaha ammaanka ee bariga Liibiya ayaa sii daayay ugu yaraan 385 muhaajiriin Pakistani ah oo lagu haystay bakhaarro ganacsi, sida ay sheegtay koox u dooda xuquuqda muhaajiriinta.

Al-Abreen, oo ah koox caawisa muhaajiriinta ku sugan Liibiya, ayaa sheegay in muwaadiniinta Pakistan laga sii daayay aroornimadii Isniinta bakhaarrada dadka wax tahriibiya ee ku yaal aagga al-Khueir, oo qiyaastii 5 mayl (8 kiiloomitir) koonfur ka xigta magaalada Tobruk ee bariga Liibiya.

Muhaajiriinta – oo ay ku jireen carruur – ayaa markii dambe loo wareejiyay xarun booliis sida qoraal ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Facebook ku sheegtay Al Abreen.

Esreiwa Salah, oo u dhaqdhaqaaqa Al-Abreen, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP in muhaajiriin Pakistani ah ay gaareen Liibiya iyaga oo doonayay in ay u safraan Yurub balse ay xireen mukhalasiin kuwaas oo dalbaday madax furasho si loo sii daayo.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin qaabka lagu sii dayay muhaajiriintan.