Muhaajiriin Tunisia ka tagtay oo ku dhintay badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub

0
173

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maydadka sideed qof oo muhaajiriin ah oo dhintay xilli ay isku dayayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka ayaa la soo helay intii uu socday howlgal samaxatabixin ah oo ay ciidammada ilaalada badda Talyaaniga ka sameeyeen xeebaha Lampedusa.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray haweeney shin dhammaysatay.

42 muhaajiriin oo kale ayaa saarnaa doonnida kuwaasoo la soo badbaadiyay.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa sheegay in laba qof oo kale oo uu ku jiro canug yar ay ku dhexdhinteen doonnida ka soo shareecatay waddanka Tuunisiya.