Muhaajiriinta ku xiran gudaha Mareynkanka oo loo wareejinayo magaalooyinka mucaaradka.

0
320

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweyne Donald Trump ayaa qiray inuu qorsheynayo in muhaajiriinta xiran uu ku fasaxayo magaalooyinka ay Dimuqraadiyiintu ku badan yihiin, arrintaas oo ah siyaasad uu xisbigaasi uga aargoosanayo.

Madaxweynahan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa waxuu bartiisa Twitterka soo dhigay in dadka sida weyn uga soo horjeeda ay aad ugu farxi doonaan fikradda ah “xudduudda furan iyo siyaasadda furan ee hubka”.

Hadalkasi Trump ayaa dhabar jab ku ah aqalka cad ee mareykanka loogha arrimiyo oo dhawaan warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyay jiritaanka qorshahaasi.

Wargeyska The Washington post ayaa qoray in aqalka cad ee Mareykanka uu codsaday bilihii Nofembar iyo Febraayo ee la soo dhaafay in ay suurtagal tahay in muhaajiriinta ku xiran guud ahaan Mareykanka in loo wareejin karayo dhanka magaalooyinka ay ka midka yihiin New York, Los Angeles, San Francisco iyo Chicago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here