Baladweyne (Radio Beerlula)- Dadka soo galootiga ah iyo bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalka Netherlands ayaa walaac ka qaba saameynta ay ku yeelan karto xukuumad wadaag ah oo dhinaca midigta ah oo ay ku heshiiyeen afar xisbi oo ka mid ah kuwa dalkaasi.
Axsaabtan heshiiyay ayaa waxaa ugu awood badan xisbiga uu hoggaamiyo Geert Wilders (Vilders) oo ah siyaasi caan ku ah Islaam-nacaybka iyo in uu aad uga soo horjeedo soo galootiga.
Arintan ayaa walaac badan ku abuurtay dad badan oo muslimiin ah iyo kuwa doonayay inay galan dalka Holland.
Dowladda cusub ayaa lagu wadaa inay dajiso qorshe cusub oo lagu hogaaminayo dalkaasi.