Muhajiriin gaareysa 600 oo qof oo la soo badbaadiyay

0
118

Baladweyne (Radio Beerlula)- Markab ay maamusho hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa badbaadiyay ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo ku safrayay doon buux dhaaftay taasoo ku dhibaataysan jasiiradda Sicily Sabtidii.

Kooxda MSF yaa sida Twiterkooda kusoo qoray “Kadib howlgal qaatay saddex saacadood, 599 ayaa la soo badbaaday, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, hadda goob nabad ah ayay ku sugan yihiin.”

Sida ay lagu sheegay xog ka soobaxday wasaaradda arrimaha gudaha in ka badan 47,000 oo muhaajiriin ah ayaa laga diiwaan galiyay Talyaaniga sanadkan, ilaa 18,000 isla muddadaas 2022,