Mukhalasiin dad tahriibinayay oo Turkiga lagu xiray.

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay in 168 qof oo dad tahriibinayay lagu xiray xadka uu dalkaas la leeyahay Iiraan.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in waaxaha ka hortagga tahriibka iyo kuwa ammaanka ay iska kaashadeen qabashada dadkan.

Wuxuu intaa raaciyay in 280 dadkan ah la soo qabtay, halka 168 ka mid ah la xiray.

Boqolaal tahriibayaal ah ayaa bilihii la soo dhaafay ku dhintay badda u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Giriiga kadib markii doomankii ay saarnayeen ay degeen.