Munaasabad ay ku qalin jibinayeen arday baratay qur’aanka kariimka oo lagu qabtay Buula burde.

0
35

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Degmada Buulo-Burte ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabad aay ku qalin jibinayeen 6 arday oo dhameeysay Barashada qur’aanka kariimka islamarkana ka aflaxday dugisga Cabdullaahi binu-mucaad.

Munaasabadda aay ardayda ku qalin jibinayeen ayaa waxaa ka qeeybagalay maamulka dugsiga,Bahda waxbarashada Buulo-Burte,walidiin iyo ardayda qalin jibisay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.