Munaasabad ay ku qalinjibinayeen arday baratay xiradda farsamada gacanta oo lagu qabtay Baladweyne.

0
139

Baladwayne (Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 530 arday oo baratay xirfadaha kala duwan ee farsamada Gacanta sida Computerka, cunta karinta islamarkaana ka aflaxay machadka Himas oo kaashanaayo wasaaradda shaqa galinta arimaha bulshada dowalad gobaleedka Hirshablle.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadda Galad Maxamed Warsame iskuduwaha Wasaaradda shaqa galinta arimaha bulshada dowalad gobaleedka Hirshabelle gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdulaahi Maalin Sufuroow iyo mas’uuliyiin katirsan hay’adda DRC iyo marti Sharaf kale.

Warbixintaan waxa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxmuud.